DAAWO Qaabkii loo soo furtay ninkii Ajnabiga ahaa oo ay soo badbaadiyeen ciidamada Galmudug

0

Ciidamada amaanka ee maamulka Galmudug ayaa soo badbaadiyay ruux ajnabi ahaa oo muddo ku afduubnaa deegaaano gobolka Mudug ka tirsan, sida ay sheegeen masuuliyiinta maamulka Galmudug.
Ciidamada Nabad sugidda maamulka Galmudug ayaa ninka ajnabiga oo magaciisa lagu sheegay Jeemis kajaamba ka soo furtay kooxo hubeysan oo afduub u heystay, waxaana iminka gacanta ku haya ciidamada maamulka Galmudug.

Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Maxamed Aadan ayaa ugu horeyn u mahad celiyay ciidamadii soo badbaadiyay muwaadinkaan Kenyaanka ah wuxuuna sheegay in ninkaan ay wehlisay haweenay lala soo afduubtay taasi oo ay la baxsadeen qaar ka mid ah kooxiihii burcada ahaa isla amrkaana ciidamada nabad sugid ay ku daba jogaan sida uu hadalka u dhigay
Jeemis kajaamba oo mudada sanadka ah gacanta ugu jiray bu cada ayaa ka warbixiyay qaabkii loola dhaqmay mudadii gacanta ay ku hayeen burcada, waxa uuna sheegay in uu ku faraxsanyahay in maanta xuriyadiisa uu Dib u helay asagoona u mahad celiyay ciidamada Nabad sugida galmudug ee soo furtay.

Halkaan ka daawo