Haddee yaa u sheegaya, taas baa laysku haystaa wax kasta waa suuro gal laakiin haddee yuu wax ka maqlayaa, cid kale anigu garan maayo laakiin waxaan bar garanayaa golaha shacabka Puntland oo iyaga laftooda aanan barako badan ku ogeyn, waxaanse leeyahay aan idin ducaynee Cabdi wali Gaas ma u sheegi kartaan Turkiya inuusan aadin mar haddii aysan jirin wax is faham ah oo innaga dhexeeya annaga iyo ninka ay Saaxiibka yihiin ee Xasan Shiikh Maxamuud, maxaa Gaas ka jira Turkiya oo hadda uu ka doonayaa, nidaamkii 4.5 waa diidnay, ciddii wax ku qaybsanayso ha isugu tagto laakiin annagu iyo Soomaalinimmada jecelba go’aan baan taas ka gaarnay, oo taas mid aan qaadanayno ma aha, haddii ay huri weysana waxaan diyaar u nahay inaan gooni u tashano ilaa walaalnimadii iyo Soomaali jaceelkeenii waa laynagu dhibsadayee.
Turkiya, waa nimanka Xasan Shiikh ku raacay diidmmada in shirarka Somaliland iyo federalka lagu soo daro reer Sool iyo reer Sanaag, waa nimanka Xasan Shiikh wax kasta siiyay hantidii dalkana ku qaatay, ilaa ay innagu qasbeen in afkooda ardayda loo dhigo, heesta calankooda iskuulaadka laga qaado iyadoo aan calankeena hastiisa meelna laga qaadin, waa nimanka aan aragno inay meel gaar ah wax u wadaan, Turkiya waxay rabtaa inay qaadato meel kasta iyo hanti kasta siiba meelaha muhiimka ah sida dekadaha, garoommada diyaaradaha, iyo dhul beereedka, nimanka nimankaan ummadda xoolahooda u soo shaqo tegay ee Xasan Shiikh maxud iyo Jawaari, waxaad moodaa in Cabdi wali Gaas ay ka soo dhaadhiciyeen kaalay inala shaqayso, waayo wax uu ka diidayo ma jirto, wax kastana wuxuu ka laabanayaa markii ummadda reer Puntland ay ku qabsadaan, war yaa innaga qabsada oo runta u sheega?! War awlaba shacbka reer Puntland madaxda timaadda wax horumar ugama baran ee jiritaankooday ku ilaashanayeen iyo inay ka badbaadaan Xasan iyo kuwa la nooca ah, marka Gaas haddii taas laga waayo haddee Puntland waa dumaysaa isna wax ka dheefi mayo, Soomaalida waxay dhadaa Naagtii DHiil Xun iyadana Adna Ku dhigaal li,d!!!!! wallee Puntland ninkaas waan uga baqayaa.
Turkiya, maxaa innaga galay, nama yaqaanaan, dan innagama laha, waad garanaysaan shirkii ugu horeeyay ee ay Soomaaliya u qabtaan markii uu Faroole Puntland madaxweynaha ka ahaa intay ka tageen bay mar dambe u soo laabteen, waxaan u malayniyaa sheekadaas waa laga wada dheregsanyahay, ilaa iyo hadda ma jiro xiriir aan wadaagno annaga iyo Turkiya. Hadda waxa loo socdo waa in 4.5 xasan sheikh iyadoo ay Turkiya iyo Qatar maal gelinayaan lagu mar kale soo doorto, ka dibna qorshaha waxaa weeye in la dhamays tiro sidii llooga xayuubin lahaa ama loo yarayn lahaa awoodda sharci ee uu dastuurka federalka siiyay maamulada gobllada si Xasan Shiikh Max’ud iyo mafi-ada la socota ee ay hogaaminaayaan Maxamed Cusmaan Jawaari iyo Cumar cabdi rasiid Cali Sharmaarke, ay ugu suuro gasho inay gadgadaan dekkadaha, garoomada, iyo khayrradka dalka haddii ay haan lahayd macdan iyo haddii aay ahaan lahayd Dalag iyo xoolahaba, gacantana loogu gelin lahaa dalalkaas. Niman aan xishoonayn, wax kastana beec ka yihiin waa madaxweyne ee qoorta u dhiibta qofna nooma sheegi karo, waxeenii waan haysaanaa, ciideenii baan joognaa, dad aan ka cabsanayno ma jirto, laakiin annagoo bini aadam ah sidii idihii Mafia ina gadan mayso.
Shalay oo sabti ah, ninkii ahaa Michael keating wuxuu tegay magaalada Baydhabo oo ay ku wada shaahayeen Shariif Xasan sheikh Adan, bal is weydii muxuu ka doonay baad u malaynaysaana? Is weydii, waa la ogyahay in ninkaas Shariifka ah uu 4.5 wato, uusan diidi Karin, waa la ogyahay in ilaa 20 xubnood oo xasan sheikh reerkiisa ah oo aan deegaan ku lahayn si xoog ah iyo qasab ay uga mid yihiin baalamankiisa, waa la ogyahay in shabeelada hoose xoog looga haysto maamulka uu madaxda ka yahay, waa la ogyahay in loo diiday in caasimad ka dhigto magaalada Marka oo uusan ka hadli Karin, marka nin aan sidiisaba madax banaanayn oo taladiisaba aan u madax banaanayn maxay tahay codka uu leeyahay iyo fikirka laga soo qaadayo? Keating waa ogyahay taas, kii isaga ka horeeyay waas ogaa, Gaaa usagu laf ahaantiisa waas ogyahay, marka ninkaas waa in loo qiimeeyo sidii nin wali gobolladiisii laga haysto gacana laga siiyo siduu taladooda gacantiisa loogu soo celin lahaa, wax kasta oo ay ka wada hadleen looma baahna inay wax macne ah u sameeyaan reer Puntland, maxaa jira ma aha wax Soomaaliya dan u ah, xataa ma aha wax reer Koonfur galbeed dan u ah, marka yaan laysku mashquulin wax kasta oo booqashadaas ka soo baxa waa danaha Keating iyo dalkiisa ingiriiska iyo Mafiada Soomaaliyeed ee aan kor ku soo magacaabay.
Ayaamahan ninkii Gaas ahaa wuxuu ku waashay seddex arrin baa inoo furan, laakiin waxaan ku dhahaayaa, seddex arrin inooma furna waxaa inoo furan 4.5 ciddii wadataa wax innaga dhexeeyaa ma jiraan, haddiise aad ku fekerayso inaad Turkiya aado, ama aad raadinayso cudur daar aad Turkiya ku aado oo aad hunguraynayso xoogaaga yarka ah ee hadiyadaha ah ee lagu dulaysto siyaasiyiin isku sheegga Soomaaliyeed markay meelaha tagaan ama dalalka dibadaha booqdaan la soo siiyo, hal suit saacad dhowr gram oo dahab ku dhex jiro, waxaas iyo wax ka weynba Puntland baad ka helaysaa kuna haysataa ee hunguri wax ka weyn la geshaa waa dilaacaa yeysan kugu dhicin. Gabadhii aad lahayd Alkoliistayaal baan ka ridanayaa yaan hortaada maryaha looga furan, iyagu agtooda kuma arrad kuma qabsan, gaajo kuma qabsan, Mafiana damac kama soo geli jirin!!!!
Soomaaliyeey waxaan idin leeyahay, siiba reer Puntland dalkiina dad aan ka naxayn oo u dhaqmaaya sidii calooshood u shaqaystayaal baad gacanta u wada geliseen, runtii nimanka aan magacyadooda idin sheegayo waa saaxiibo adinka ayaa laydiin soo adeegsaday niman raba inay dalka ku dhacaan bay mushaar ka qaataan, waxa keliya oo shaqadoodu tahay waa inay isku kiin direen, waa inay isku dilaan, colaadiina iyo khilaafkiinana waa mashaariic ay qandaraasyo uga soo qaateen dalal aajnabi ah ama islaam ha ahaadaan ama kuwa aan islaam ahaynee, markaad tabar yaraysaan, oo caruurtiina wada agoontoodo, dumarkiina wada garoob noqdo, gabdhihiina gayaan waayaan, ay si rakhiis ah oo fudud wax kasta idinka dhaxlaan, maatadiinana adoonsadaan, war indhola’aanta idin haysa weynaa.
Gaas anigu ilaa iyo hadda midna igama daadegayso, oo maxaa waaye, inaad run sheegtay marna layma sheegaayo, maxaa jira hadal cad oo goa,n waligay ninkaan ka maqlay ma tihid, bacdeen seen kuu rumaystaa, yaa taladii dadkii baan ku soo celi baad dhahday, maxaa ku daba dhigay oo kolba u hadhadlaysaa, sug nin rag ah oo mas,uul ah baad tahay dad baad leedahay oo ku keensaday, seddex alaabab baa inoo furan ninna kaama rabo wax inoo furan, kuwii kale ma Xasan iyo Cabdi kariim iyo jawaari baa kaa xiray, shaaciroole, mise adiga naftaada aa iska xiray, waxaan kuu sheegaa Turkiya ha la aado awalba maxaa kaa yaalay, lacag haddii ay bixiso kuwa ay siiso kama mid tihid, cunto haddii ay bixiso kuwa ay siiso kama mid tihid, wax barasho haddii ay bixiso kuwaysiiso kama mid tihid, waxa ay Faroole kula dagaaleenna adba waa iska fahmaysaa waxay ka waayeen, dekadda qaata, garoonka qaata, gurigayga qaata, hadana annagii sidii baan qabnaa, marka ha aadin, si cadna mowqif iyo goa,n u qaado oo dadkaaga Soomaaliya iyo Puntland heshiisyo lagu boobaayo, lagu khayaanaayo, mood iyo nafba lagu baabi,naayo ha ka qayb qaadan.
Soomaaliya Ha Noolaato! Puntland Ha Noolaato!
Wa billaahi Towfiiq.
Cali Cilmi Soomow