Faah-faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dab xalay qabsaday qeybo badan oo kamid ah suuqa weyn ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kaasi oo qasaaro badan geystay, sida maamulka degmada uu sheegay.
Qasaaraha ugu badan ee ka dhashay dabka ayaa la sheegay inuu soo gaaray ganacsatada suuqa weyn ee degmada Wadajir, maadaama hanti badan uu dabka baabi’iyay.
Axmed Cabdulle Afrax, gudoomiyaha degmada Wadajir ayaa xaqiijiyay in qasaaro badan uu dabkaasi geystay, isaga oo tilmaamay in muddo badan uu socday dabka oo ay adkaatay in la damiyo.
Maamulka degmada Wadajir iyo ganacsatada ayaa dadaal badan oo ay sameeyeen kadib waxaa lagu guuleystay in dabkaasi la damiyo, sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Ilaa iyo hadda tirikoob rasmi ah laguma sameyn qasaaraha ka dhashay dabka xalay ka kacay Suuqa weyn ee degmada Wadajir, balse dabka ka kaca suuqyada dalka ayaa marar badan dhacay, mana jirto ka hortag buuxa oo muuqda.
Halkaan ka dhageyso