Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay Al-shabaab kala wareegeen Degaano dhowr ah oo hoos yimaadda Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Degaanada ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah Caanoole iyo Mareerey oo horay ay Al-shabaab u haysteen.
Wariye Kiin Cumar Makaraan oo ka tirsan Tv-ga Somalia Cable oo ku sugan Degmada Afgooye ayaa noo sheegtay in Ciidamada Dowladda sidoo kale ay gacanta ku dhigeen Rag lala xariirinayo Al-shababa iyo Hubkii ay wateen.
Al-shabaab ayaa Xalay Weerar ku soo qaaday Degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose,iyadoo la sheegay in Mudo Saacado ah ay qabsadeen qeybo ka mid ah Degmada,balse Maamulka Degmada uu Warkaasi beeniyay.
Halkaan ka dhageyso