WAR CUSUB:- Dib u eegis lagu sameynayo howlgalka AMISOM ee Soomaaliya

0

Francis Okello taliyihii hore ee ciidamada AMISOM ahna sarkaal ka tirsan ciidamada difaaca dalka Uganda oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulamo uu la qaatay midowga Africa saraakiil ka tirsan wuxuu sheegay iney isla garteen dib u eegis lagu sameeyo heeganka ciidamada AMISOM kaga jiraan weerarada Al-shabaab.

Waxii ka dambeeyay weeraradii Al-shabaab ku qaadeen saldhigyada ciidamada AMISOM ee Janaale, Leego iyo deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo ayaa waxaa soo baxay su’aalo badan oo ku wajahan qaabka weerarada u dhaceen iyo habka ciidamada kaga hortageen weerarka.

“Booqashada aan ku nimid halkan waxaa ay ujeedadeedu tahay in aan qiimeynta heeganka iyo joogteyn Ciidankeenna ay uga jiraan weerarrada AL-shababaab,iyo dhismaha hanaanka Siyaasadeed ee Dowladda ay taageerto AMISOM ee Soomaaliya”ayuu yiri Okello.

Sidoo kale ujeedada ay u yimaadeen magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay iney tahay in qiimeyn lagu sameeyo waxyaabaha ka qabsoomay ama ka qabsoomi waayay howlgalka AMISOM ee ka socdo dalka Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa weeraro qasaaro badan gaariiyay ciidamada AMISOM waxay ku qaadeen seddex saldhig oo waaweyn kula yaala Shabeelaha Hoose iyo Gedo, wallow inta badan aan la xasuusan weerarkii lagu qaaday ciidamada Burundi ee kusugnaa Dayniile.