Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay qaabka lagu wado dhameystirka Dastuurka dalka iyo sida ay Xukuumada Soomaaliya wax u wado.
Xildhibaan Dalxa ayaa si cad u dhaliilay sida ay wax u socdaan, waxa uuna xusay in ay muhim tahay in shacabka soomaaliyeed laga qeyb geliyo dhameystirka dastuurka Dalka iyo wax ka badalkiisa.
Waxa uu tilmaamay in shaqsiyaad gaar ah ay isku koobeyn dhameystirka dastuurka iyo wax ka badalkiisa balse ay wanaagsan tahay in si wadajir ah loogu wada qeyb qaato.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-