DHAGEYSO:- Sidee Guul lagu gaari karaa?,Warbixin

0

Guushu waa himilo iyo hiigsi aad leedahay oo aad gaarto, mana aha mid ku timaada xaglo laaban, sahal, fikir gaabni, hami yari iyo samir yaraan toona.

Hadaba guushu waa shay cayiman oo la isla yaqaan, laakiin waxa lagu kala tagsan yahay heerka guusha, qof waxa guul u ah ayaa qof kale u ah bar bilawga guusha.

Guusha waxa sargooya hanka, hiigsiga iyo humaagyada mustaqbaleed ee qofku meel dhigtay, markaas waxay ka dhigantahay, nin waxa guul u ah ayaa mid kale u ah bilawga hayaanka guuleed ee uu hiigsanayo.

Sida caadada ah dadka aad fikir wadaaga tihiin, waxay kaaga waramaan guusha markaas umuuqata ama ay arkaan, hamiyada uu qof ku fikiro na waxa ugu mug wayn, inuu guulaysto if iyo aakhiro.

Dadka badankoodu guuldaro way la kulmaan, iyagoo u kala baxa laba; qaar marka ay guulaysan waayaan isu dhiiba cadawgooda, noloshana ka dhaca, han iyo hiigsi danbana yeelan iyo kuwa dib u bilaaba dadaal ka xoogan midkii hore oo waxa ay qarashkooda , aqligooda iyo waqtigooda galiyaan sidii ay ku gaari lahaayeen wadada guusha waxaa jirta oraah ah guul darado waxa ay ku bartaa .

Waxa mudan in la tilmaamo sidee loo gaadhi karaa guul waxaa Guusha lagu gaadhi karaa iyadoo la maro wadiiqooyinkan, Dajinta hami iyo hiigsi.

In qofku baaro waxyaabaha uu u baahan yahay inuu sameeyo si uu u guulaysto iyo waxyaabaha ka hor istaagi kara guusha.

Waa inuu joogteeyaa oo ku dadaalaa hayaanka uu ugu jiro guusha.

Waa inaad hubisaa kolba inaad hayso hilinka iyo toobiyaha aad u marayso guusha.

Waa inaad u samirtaa hadimooyinka ku gadaaman jidka guusha oo hadii aad dhib la kulanto u dulqaadataa

Waa inaad niyad samaan iyo talo saarasho Alle aad la timaadaa.

Guusha markay gaartana, aad ilaahay u mahadnaqdaa oo aad ka dheeraataa kibir, una tafoxaydataa sidii aad guulo kale u gaari lahayd.

Waxa la isku raacay in guusha dhabta ah ee waaraysaa ay tahay guulaysashada aakhiro iyo raali ahaanshaha Rabbi.

Sida ilaahay (SWC) ku sheegay, qofka guusha dhabta ah gaaray inuu yahay “qofka la dhaafiyo naar ama aan galin naar, Janaduna hoy u noqoto, kaas ayaa guulaystay.

Muhiimadu waxa ay, inaad ogaato micnaha iyo ujeedada aad u nooshahay ee aad aduunyada u joogto, hadaad u fiirsato dadka nolosha aan fahansanayn waxaad arkaysaa iyaga oo nolosha ka quustay, wax guul ahna ka gaadhin.

Waxaa dadka mushiladd ku ah dhihida oraahyadda ma sameyn karo oo muu isku dhibo , ma aqaano oo muu isku dayo in uu barto ,ma la qaban karo oo muu tijaabyo ,inta qofka uusan isku dayga sameyneyn waa inta ay heyso daciiftimo qofeed waana tan dad badan aysan u saarneyn wadad guusha ay ku gaari lahaayeen ama aysan u aqoon waxa ay qabanayaan in guul ay ku gaarayaan ama ay ku qasaarayaan.

Waa ay kala duwan yihiin siyaabaha qofka noloshiisa ay ku guuleysan karto waxaana jiro qodobo dhowr ah oo kaa saacidayo in aad ogaato wadada aad heyso ma midi guusha mise waa tii guuldaradda adiga oo maanka ku hayo in aanan aduunka kaliya loo shaqeysan qormo aan ka soo xiganay Qurba Magazin waxa ay ka hadleysaa sida qofka uu ku gaari karo guul iyo jidka uu haayo waxa uu yahay Nasriin Maxamed Ibraahim ayaa so jeedineysa

Halkaan ka dhageyso