DHAGEYSO:- Madaxweynaha Galmudug: “Galmudug abaar ayaa ku soo fool leh,baaq ayaana u dirayaa Qurbajoogta”

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in degaannada Galmudug ay ka jirto Abaar, islamarkaana dadka Miyiga loo baahan yahay in la gaarsiiyo gargaarka ay u baahan yihiin.

Waxaa uu sheegay in abaaraha so fool leh  ay u baahan yihiin in wadajir looga hortago,waxaana uu Beesha Caalamka iyo Qurba joogta ka soo jeedda Galmudug ay wax ka qabtaan abaaraha heysta dadka Galmudug.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Guuleed in Dadka Xoolaleyda ah ay  heysato biyo la’aan,sidoo kalena dadka Miyaga deggan ayuu sheegay in Nololoshooda ay aad u  liidato loona baahan yahay in la iska kaashado sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada ka jirta degaannada Galmudug ee Abaarta ugu horreyso.

Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in degaannada Galmudug uu maamulkiisa ka hir gelinayo Maamulo hoostaga Galmudug si  dadka ay u helaan maamullada ay u baahan yihiin.

Halkaan ka dhageyso