DHAGEYSO:- Maamulka gobolka Sh/Dhexe oo sheegay in ay Al-Shabaab ka saarayaan deegaanada ay iminka kaga sugan yihiin gobolkaasi

0

Gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe Cali Guud laawe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in ay Al-Shabaab ka saaraan deegaanada ay iminka kaga sugan yihiin Gobolka Sh/dhexe.

Waxa uu sheegay in ay ka go’an tahay in Al-Shabaab ay ka xureynayaan deegaanada ay weli ku harsan yihiin. Waxa uu xusay in aysan ka bixi doonin deegaanada ay ka qabsadeen Al-Shabaab.

Gudoomiye Cali guud laawe ayaa sidoo kale sheegay in Shacabka laga donayo in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan Ciidamada Dowlada.

Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaano ka irsan gobolka Sh/Dhexe gaar ahaan deegaanka biyo Cadde.

Hoos ka Dhageyso Codka:-