DEG DEG:- Dab xoogan oo goor dhaw ka kacay Suuq ku yaaalla Degmada Wadajir

0

Waxaa goor dhaweyd dab ka kacay  Suuqa Weyn ee Degmada Wadajir, gaar ahaan qeybta Jaadka waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira hantiyadeed iyo bur bur xoogan oo ka dhashay Suuqa.

Sidoo kale waxaa uu dabku saameeyay guryaha ka ag dhaw Suuqa u dabka ka kacay isla markaana waxyeelo u geysanayo guryahaasi.

mid ka mid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in dabkaasi uu ku bilowday Koronto ka kacday gudaha Suuqa weyn ee Degmada Wadajir.

Waxaa soconayo dadaalo lagu daminayo dabkii ka kacay Suuqa Weyn, Waxaana goobta uu dabka ka kacay gaaray gawaarida dab damiska ee maamulka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Waxaa goobta gaaray Ciidamada Maamulka Degmada Wadajir iyo Booliiska Gobolka banaadir isla markaana dadka ka ilaalinayo in ay sameeyaan boob hantiyadeed oo loo geysto hantidad suuqa taaallo.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in weli uu soo socdo dabka khasaarahana uu si badanayo.

wixii warar ah ee soo kordha waan idin soo gudbineynaaa Insha ALLAH..