Aqoonyahan Cumar Xasan Maxamed (Cumar Dheere) oo maalmo ka hor war kasoo saaray halka ay mareyso marxalada dalka, ayaa waxa uu uga hadlay heerka damaaciga waxuushnimada ah ee foosha xun ee Damujadiid iyo waxa ay la damacsan yihiin dadka daga Waqooyiga Galguduud iyo Gobolka Gedo.
Warkan uusoo saaray aqoonyahan Cumar Xasan Maxamed (Cumar Dheere) ayaa waxa uu si aad iyo aad ah ugu nuux nuuxsaday awood qaybsiga soo socda dabayaaqada 2016-ka iyo xiliga kala guurka ah halka beesha Mareexaan ay ku danbeyn doonto haddii aysan hadda u guntanin diifaaca danahooda siyaasadeed iyo deegaanadooda.
Dhinaca kale Waxaa xaqiiqo ah hadalka iyo fariintan culus ee uu kula hadlayay aqoonyahan Cumar Dheere beesha MAREEXAAN ee uu kasoo jeedo in ay dhamaantood yihiin kuwo ku saleysan xaqiiqada dhabta ah ee iminka jirta, balse waxaa isweeydiin mudan hadalka kasoo yeeray aqoonyahan Cumar Dheere wax maku qaadanayaan dadkan MAREEXAAN ee Alle Subxaanahu Watacaalaa ka qariyay awoodooda iyo sharafta magacooda.