Ciidanka Booliska Kenya, ayaa waxay gacanta ku dhigeen laba nin oo si dhow loola xiriirinaayo Ururka Al Shabaab, ka dib hawlgal ay ka sameeyeen Magaalo Xeebeedka Mombasa.
Labada nin ee la qabtay oo magacyadoodu lagu kala sheegay Mohammed Kombo iyo Mohammed Salem Mohammed, ayaa sida la sheegay waxay ka mid ahaayeen xubno ka baxsaday guri ku yaala xaafadda Majengo, oo bishii hore hub laga helay.
Taliyaha Ciidanka Booliska Ee Gobolka Xeebta, Francis Wanjohi, ayaa sheegay raggan in lala soo qabtay walxaha laga sameeyo qaraxyada, sida uu hadalka u dhigay.
Taliyaha, ayaa sidoo kale sheegay in labada nin ee la soo xiray ay qorsheynayeen weeraro, ay ka gaystaan Xarunta 2-aad Kenya Ee Magaalada Mombasa, isla-markaana ay ka hortaggeen.
Francis Wanjohi, ayaa Warbaahinta Kenya u sheegay in xubnahan ay qayb ka ahaayeen illaa lix nin, oo ka soo tallaabay xuduuda Kenya la wadaagto Soomaaliya,
Sirdoonka Kenya, ayaa sheegaaya in raggan ay ku lug lahaayeen weeraro ka kala dhacay Mombasa iyo Lamu, oo labaduba ka wada tirsan Gobolka Xeebta Kenya.