Saraakiil u hadashay ciidamada booliska dalka Kenya ayaa siidaayay warbixin ay ku sheegayaan in Alshabaab ay askar ahaan u qortaan dadka laga tirada badan yahay ee ku sugan magaalada Mombasa.
Warbixintan ayaa la shaaciyay markii ciidamada Kenya gacanta ku dhigeen afar dhalinyaro ah oo Al-shabaab ay kasoo qorteen askar ahaan magaalada Gaarisa kuwaasi oo isla magaalada lagu xiray todobaadyo ka hor.
Sida uu daabacay wargeyska the Star ee kasoo baxa dalka Kenya dhalinyarada Al-shabaab ay ka qortaan waqooyi bari Kenya ayaa lagu sheegay iney da’dooda u dhaxeyso seddex sano ilaa 15 sano jir.
Kenya ayaa dagaal adag kula jirta Al-shabaab, maadaama Alshabaab marar badan weeraro dhimasho sababay ka geysteen gudaha dalka Kenya.
Waxaana la aamisan yahay in Alshabaabka ugu badan ee ku sugan gudaha dalka Kenya ay ku dhuumaaleystaan Keymaha Boni loo yaqaan oo ciidamada Kenya marar badan ay weeraro ka geysteen.
Hoos ka Dhageyso Codka:-