Top News: R/wasaaraha Faransiiska Oo Ugu Baaqay Dowladda Ruushka Inay Joojiso Duqeynta Dadka Shacabka Ah Ee Suuriya.

0

Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Manuel Valls ayaa ugu baaqay dowladda Ruushka inay joojiso duqeymaha ay ku bartilmaameedsaneyso dadka Rayidka ah ee Suuriya.

Mr Valls ayaa sheegay in soo afjarida bambooyinka lala dhacayo rayidka ay furo u noqon karto nabadda.

Ra’iisul Wasaaraha Ruushka Dmitry Medvedev ayaa dhankiisa ka jawaabay eedeymaha, isagoo xusay in wax cadeymo ah aan loo heyn duqeymaha lagu eedeynayo inay u geystaan rayidka, balse qof walba uu ku eedeynayo arrintaas.

Bishii la soo dhaafay ayaa kooxda u ololeysa dhaq dhaqaaqa xuquuqda aadanaha Suuriya ee fadhigeeda yahay UK ayaa ku eedeysay Ruushka in duqeymaha ay ka wadaan Suuriya ku dilaan 1,015 oo rayid ah.

Mr Medvedev ayaa sheegay in Ruushka aanu isku dayayn inuu gaaro hadafyadiisa qarsoon ee Suuriya, balse bad baadinayaan danahooda qaran.

Shirka Amniga iyo xasaradaha ee ka socda magaalada Munich ee dalka Jarmalka ayaa waxaa intooda badan looga hadlay colaada Suuriya, iyadoo reer galbeedka iyo Ruushka ay hadalo kulul is weydaarsadeen.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media