Saraakiil u hadashay ciidamada booliska dalka Kenya ayaa sheegay iney ka hortageen weerar la qorsheynayay in laga geysto magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Ciidamada booliska Kenya ayaa sheegay iney qabteen Maxamed Kombo iyo Maxamed Saalim Maxamed oo qeyb ka ahaa dhalinyaro ka degtay deegaanka Majengo halkaasi oo hub badan lagu soo qabtay bishii lasoo dhaafay.
Taliyaha ciidamada booliska ee gobolka Francis Wanjohi, ayaa sheegay in kooxda laga shakiyay iney xitaa diyaarinayeen goob la doonayay in lagu sameeyo waxyaabaha qarxa oo weerarka loo adeegsanayo.
Taliyaha wuxuu sheegay in kooxda dhalinyarada ah ay wadeen qorshe ay weerar kaga geysanayaan magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayna wax ka ogaayeen diyaarinta waxyaabaha qarxa oo la damacsanaa in lagu weeraro magaalada.
Halkaan ka dhageyso