Ciidamada badda maamulka Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Ceelaayo oo ku yaalla xeebta gobolka Bari islamarkaana 30KM u jira magaalada Boosaaso, howlgalka ay sameeyeen ciidamada waxa ay gacanta ku soo dhigeen dad tahriibayaal ah, doonyihii lagu tahriibinaayay, matooro iyo hub.
Sidoo kale Ciidamada badda waxay soo qabteen Shaqsiyaad dadka tahriibinayay oo uu ka mid ahaa Taliyihii Booliiska Ceelaayo oo ka dhaga adaygay amarka tahriibayaasha lagu soo qabanaayay, islamarkaana dagaal kala horyimid ciidamadii halkaas howlgalka ka samaynayay.
Taliyaha Ciidamada Badda maamulka Puntland Admiral C/risaaq Diiriye Faarax oo warbaahinta la hadlay ayaa uga warramay howlgalkaas Ciidamada badda ay sameeyeen iyo waxyaabihii ay gacanta ku soo dhigeen.
Hoos ka Dhageyso Codka:-