DHAGEYSO+SAWIRRO: Wiil 11 Jir Soomaali Ah Oo Kooxda Xulka Soomaaliya U Dheelayay Oo Ka Ilmeysiiyay Dad Badan.

0

Ciyaartooyda Dugsiga Muqdisho ee ku ciyaaraya Magaca Xulka 11-jirada ee Soomaaliya kana qeybgalaya Tartanka JEEM CUP ee ka socda magaalda Dooxa ee Qadar ayaa ciyaar aad loo jecleystay la yeeshay dhigooda Sacuudi Carabiya oo ay ku wada jiraan Group C.

Kulankan oo ahaa midkii labaad ee Groupka ayaa inamada Sacuudiga gool kaga hormareen Somalia, laakiin dadaal dheeriya oo ay inamada Soomaaliya sameeyeen ayaa waxaa ugu suurta gashay in Kabtanka Xulka C/Risaaq dhaliyo goolka bareejada daqiiqadii 39-aad sidaa ayaana lagu kala nastay qeybtii koowaad.

Markii dib loo soo laabtay ayaa Wiilasha Soomaaliya sameeyeen isku dayo badan iyadoo garsoorka uu qaladaad badan ka diidey inuu u dhigo Soomaaliya oo uu u janjeeray dhinaca Sacuudiga taasi oo keentay in 1-1 ku dhamaato sidaana Wiilasha SOomaaliya lagu amaanay qaab ciyaareed kulanka oo xidiga garoonka loo aqoonsadey C/Risaaq oo hadiyad la gudoonsiiyey.

Hoos Ka Dhageyso

som som1 som2 som3 som4 som5 som6 som7 som8 som9

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media