Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa diidey in la baaro marka ay tagaan goobaha ammaankooda la sugayo,kaddib markii madaxweynaha Soomaaliya uu dhawaan sheegay in si siman cid walba loo baaro marka ay tagaan xarumaha amnigooda la sugo.
Arrintan ayaa timid,madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud marku dalbaday in la adkeeyo amniga goobaha garoomada iyo halbowlayaasha kale ah,kaddib qaraxii lala beegsaday diyaarada Daallo Airlines.
Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhowro shuruucda amniga ee gelitaanka goobaha muhiimka ah, darajo kasta qofku ha leeyahay.
Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ayaa guddoonka baarlamaanka u gudbiyay mooshin ay ku sheegen inay ku diidan-yihiin xildhibaannada in loo baaro si la siman bulshadda kale ee rayidka ah sida loo baaro maraka ay tagaan goobaha amnigooda la sugo.
Xildhibaan,Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah xildhibaannada hadalka ka horyimid ee mooshinka ka gudbiyay,waxaa ay sheegtay inay ka xuntahay xildhibaannada xasaanadooda in meel looga dhaco.
“Maxaa diidey madaxweynaha inuu dhaho annigana ha lay baaro,oo xildhibaannada maxaa kali ku ah oo xasaanodooda meel looga dhawacaya,arrinta waan ka soo horjeedna,”sida waxaa u sheegtay warbaahinta xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo baarlamaanka Soomaaliya ka mid ah.
Khadiijo waxaa ay warkeeda ku sheegtay madaxweynaha hadalkan u yiri si an dastuuri ahayn,loona baahan-yahay in wax walba la waafijiyo dastuurka si ay sharci u noqdaan.
“Waa arrin dastuuri ah inan la baarin xildhibaannada,iyagoo xasaanad heysta,hadalkana madaxweynaha si an sharci ahayn ayuu u yiri,”xildhibaan Khadiijo ayaa sida tiri.
Qaraxa ka dhacay diyaaradda Daallo oo ka duushay garoonka Muqdisho ayaa aburay tuhun badan,waxaana loo xiray tiro badan oo ka mid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.