QM oo sheegtay iney ka walaacsan tahay faafida Kooxd IS

0

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in mintidiinta IS ay ku baahayaan Libya ayna ka digayaan kooxda inay ku soo badan karaan Afrika, iyagoo ku xirmaya kooxda Boko Xaraam ee Nigeria, Niger iyo Chad.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Martin Kobler, ayaa BBC u sheegay inay mintidiinta ay ka faa’idaysteen siyaasada Libya ee kala qaybsan.

Wuxuu ugu baaqay in la sameeyo dowlad midaysan.

Madaxa milatariga Maraykanka ee howlaha gaarka ee Afrika, ayaa sheegay inuu iskaashi wayn ka dhaxeeyo kooxaha dagaalamaya ee gobolka, loona baahan yahay iskaashi milatari.