WAR DEG DEG:- Howlgal lagu soo qabtay 500 Qof oo ka socda Degmada X.Jajab iyo Waaberi

0

Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waabari waxaa ka soconaya Baaritaan ay sameynayaan Ciidamada Amaanka,waxaana lagu soo qab qabtay dad ku dhaw 500 oo Qof.

Howlgalka ayaa waxaa iska kaashanaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM,waxaana Dadka la isugu keenay Buundada Ansalooti halkaas oo lagu kala saarayo.

Ciidanka ayaa Xaafadaha Degmooyinka baaritaan ku sameynayay sidoo kale Dhallinyarada ayaa Gaadiidka laga dajinayay iyada oo Su’aalo la weydiinayo.

Saraakiisha Ciidanka ee jooga halka dadka la isugu keenay ayaa sheegay in howlgalka marka ay soo afjaraan ay la hadli doonaan Warbaahinta.

La soco wixii soo kordha