TOP NEWS:- Al-shabaab oo la sheegay in Marka ay Bandaw ku soo rogeen

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Marka Ee Xarunta u ah Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Xalay Magaaladasi ay Bandaw ku soo rogeen Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ee ku sugan Degmadaasi.

Dadka ku nool Magaalada Marka ayaa noo Xaqiijiyay in Xarakada Al-shabaab ay Xalay Bandaw ku soo rogtay Magaalada.kaas oo biloowday Salaadii Maqrib soona gaaray salaadii Subax ee Saaka.

Sidoo kale Al-shabaabka ku sugan Magaalada ayaa Xalay Roonto ka dhexsameeyay Magaalada si ay u Xaqiijiyaan inuu dhaqan galay Bandawga ay Magaalada ku soo rogeen.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa iskaga baxay Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.