Somaliland iyo Puntland xariirkoodu waa heer dagaal laakiin labaduba waxay leeyihiin Dekedo xariir aad u fiicanna waxay la leeyihiin Itoobiya . Galmudug iyo Punland sidoo kale Biyohooda badeed labaduba Itoobiya waa u furan yihiin hasa ahaatee labada shacab ee Soomaalidaa waxaa la dhex dhigay xabad iyo dagaal , Maamulka la maagan yahay in laga sameeyo Baladwayne waa inuu yeeshaa Biyo badeed sidaas awgeed waxaa la raaciyay Shabeelada Dhexe , Baydhaba waxaa lagu sidkay Marka , kismaayo si ay dhilka ‘’Barkaysan’’ ee Itoobiya xariirkiisa u ilaaliso waxaa sanka looga tolay oo la raaciyay Gedo .
Dakadda Berbera gaariga laga raro wuxuu toos iyo shiddo la’aan u tagaa Itoobiya laakiin inuu tago Garoowe waa ku adagtahay sidoo kale Boosaabo Xamuulka ka dhoofa Itoobiya sahal ayuu ku gala, suura galse ma ahan inuu Gaalkacyo u kala tallaabi ayadoon dhawr jeer la baarin baadna aan laga gurin . Mustaqbalka dhaw waxay Baladwayn diyaaar u tahay inay yeelato ‘’Madaxwayne’’ iyo deked u gaar ah si looga quudiyo baahida Itoobiya , Xamar iyada warkeeda wuu dhamaaday oo Shisheeyaaba maamula iskana diiday inay sheegaan Hantida kasoo xaroorta Dakadda iyo Garoonka .
Kismaayo gadiidka ka dhoofa wuxuu sahal uga tallaabi karaa Xaduud beenaadka Dooloow iyo Libooyo ayadoon sidaa loo eegin hassa ahaatee way adagtahay inuu gaaro B/xaawo asagoo bad qaba una raran Shacabka dhulka iska leh , sidoo kale Miisaaniyadda Dekedda waxaa maamula Xoogagga Shisheeye ee ilaaliya danaha dalalkooda soo dirsaday , qofka Soomaaligaa si kastaba wuu ugu dulman yahay Gurigiisa , sharaftiisa cid inay dhawrto xil iska saartay ma jirto , kamana muuqato ‘’Madaxda’’Soomaalida marka laga reebo qaar hadallo qurxan yiraahda laakiin ka akhlaaq hooseeya Abal Xakam oo lagu garan ogyahay Abuu Jahal.
Magaalada Marka waxaa baneeyay Ciidankii Uganda iiyo Maleeshiyaadkii garabka u ahaa , waxaana mar kale kusoo qulqulay Xoogagii Al-Shabaab aydoon wax dagaal ah uusan ka dhicin , kabixitaanka Ugandha ee Marka iyo Markii maamulkeeda la raaciyay Baydhaba micne gooni ah ayay leedahay . waxaan qabaa an loo baneeyay Ciidanka Itoobiya ee haattanba dhabarka u ah Maamulka Baydhaba , Magaalada Marka haddii ay saldhigtaan Ciidamada Itoobiya iyo Maleeshiyaadka Maamul Beeleedka Baydhaba waxaa furmaya jidka dheer ay Dakadda Marko uga qayb qaadan karto yaraynta Baahida Badeed ee Itoobiya .
Ciidanka Itoobiya si ay u tagaan Marka waa in loo baneeyaa Shabaab kadibna ay ka ‘’Xoreeyaan’’ dabcan ka xoraystaan ayaa mudan ‘’Madaxda’’ Soomaalida waxay xoog ugu mashquul san yihiin Xuduudaha Beelaha Soomaaliyeed iyo adkaynteeda sidoo kale waxaa agtooda Muqadas ka ah Xariirka Itoobiya uu la leeyahay Gobolkasta iyadoo ay adagtahay inuu qofka Soomaaligaa u kala Goosho asagoo xor ah , dilka iyo duqaynta Joogtadaa ee shacabka Soomaaliyeed ay ku hayaan shisheeyaha waxaa difaaca oo inay jiraan dhibaatooyinkaas beeniya ‘’Madaxda’’ ‘’Dawladaha’’ utaagan har iyo habayn raali galinta Shisheeyaha .
Kismaayo ilaa Hargaysa maamulada ku firirsan kuligood Itoobiya saaxiib dhaw ayay u yihiin laakiin ayagu isma arki karaan hal dalna waa wada yihiin !!!!
Aragtida Aadam Zaki
Aadan17@hotmail.com