DHAGEYSO:- Shiinaha oo saldhig ciidan ka furaneysa dalka Jabuuti iyo Ujeedada Saldhiga oo la ogaaday

0

Dowlada Shiinaha ayaa xaqiijisay iney qorsheynayaan dhismaha saldhig militari oo ay ku yeeshaan magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Jabuuti kaasi oo noqanayo saldhiga ugu weyn oo ay ku yeeshaan bariga Africa.

Saldhiga shiinaha qorsheynayo inuu ka furto dalka Shiinaha ayaa waxaa sidoo kale uu noqonayaa saldhiga militari oo ay ku yeeshaan dal ku yaala qaarada Africa.

Afhayeen u hadlay wasaarada arimaha dibada Shiinaha oo lagu magacaabo Lu Kang ayaa sheegay in saldhigaasi ay u adeegsan doonaan in ciidamada Shiinaha ee ku sugan gacanta gacan loogu gudbiyo hubka iyo adeegyada ay u baahan yihiin.

“Sanadihii lasoo dhaafay, shiinaha wuxuu ciidamo u diray xeebaha Soomaaliya iyo biyaha gacanka Cadan si u gutaan waajibaadkii laga doonayay, badmaaxiinteena waxay u baahan yihiin adeegyo kala duwan saldhigan ayaana ka saacidi doono”ayuu yiri afhayeenka u hadlay Shiinaha.

Inka badan 60 maraakiibta dagaalka Shiinaha ayaa loosoo diray dalka Soomaaliya tan iyo markii ay kusoo biireen howlgalka la dagaalanka burcad badeeda ee ka socda dalka Soomaaliya.

Dalka Jabuuti ayaa ku yaala Bariga Qaarada Africa wuxuuna xuduud la wadaagaa dalalka Eritrea, Ethiopia iyo Soomaaliya, waxaana saldhigyo ku leh wadamo badan oo reer Galbeed ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-