DHAGEYSO:- Maamulka Ahlu Sunna oo Maamul Cusub u Magacaabay Xeraale

0

Ka dib Kulan ka dhacay Gobolka Galgaduud oo ay yeesheen Mas’uuliyiinta Maamulka Ahlusunada Gobollada Dhexe iyo Odayaasha Deegaanka ayaa la isku raacay in maamul Cusub loo sameeyo Deegaanka Xeraale Ee Gobolkaasi.

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Maamulka Gobollada Dhexe Ee Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaana Maamulkaasi lagu yagleelay.

Qaar ka mid ah Odayaasha Deegaanka Xeraale oo kulanka ka hadlay waxay si diiran usoo dhaweeyeen Maamulka laga dhisay Deegaanka ayna la shaqeyn doonaan sida ay sheegeen.

Saadaq Sheekh Yuusuf Sheekh Ibraahim oo ah Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Gobollada Dhexe Ee Ahlusuna Waljamaaca ayaa Akhriyey Magacyada Xubnaha Cusub Ee maamulka la sameeyey.

Hoos ka Dhageyso Codka:-