Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Xukuumada Soomaaliya Xaawa Xasan Maxamed, Wasiir ku Xigaanka Wasaarada Caafimaadka, Gudoomiyaha Guddiga Adeega Bulshada ee Baarlamaanka Xildhibaan Cismaan Maxamuud Dufle ayaa Maanta booqasho iyo ka warqab ugu tagay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Aadan Xaaji Ibraahim oo ku xanuunsanaya Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.
Wasiir Xaawa iyo Masuuliyiintii la socday ayaa waxa ay xogwareysi ku aadan xaalada caafimaad ee Wasiirkii hore caafimaadka la yeesheen ehelada iyo dhaqatiirta isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.
Booqashada ka dib Waxaa Warbaahinta la hadashay Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Xukuumada Soomaaliya Xaawa Xasan Maxamed Waxayna sheegtay in Wasaaradda caafimaadku ay ku dadaaleyso sidii caafimaad dibadda ah loogu qaadi lahaa Aadan Xaaji Ibraahim.
Waxay sidoo kale sheegtay in ay ka go’an tahay in ay mar walbo Xaaladiisa Caafimaad la socdaan isla markaana ay wax u qabanayaan inuu isbitaalka ku jira.
Dr Aadan Xaaji Ibraahim Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka oo ka mid ahaa dowladii KMG ahaa ee dalka soo maray waxa uu muddooyinkan ka xanuunsanayay Muqdisho.
Marka laga tago booqashada Maanta ma jiro Masuul si cad u sheegay in wax loo qabanayo Dr Aadan Xaaji Ibraahim maadaama uu ahaa Masuul Qaran.
Hoos ka Daawo Sawirada:-