Kooxda Al-Shabaab Ayaa waxaa ay warbaahintooda dhanka internetka ku qoreen in ay maanta dilieen taliyihii ciidamada DF Ee Garoonka Diyaaradaha Jowhar waxayna al-shabaab u fafiyeen warkaasi sidan.
Qarax culus ayaa saacadihii lasoo dhaafay duleedka degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada dhexe lagula beegsaday gaari uu la socday taliyaha ciidamada dowlada ee garoonka diyaaradaha Jowhar oo lagu magacaabi jiray Cali xasan iyo ku xigeenkiisa.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay wadada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo degmada Jowhar waxaana la xaqiijiyay in gabi ahaan burburay gaarigii ay saraakiisha la socdeen oo miinada ay la kacday.
Sidoo kale qaraxa waxaa ku dhintay 6 ka tirsan Askarta dowlada oo gaariga la socday iyadoona dhaawaca uu intaasi ka badan yahaywaa sida ay sheegteen kooxa Al-Shabaab.