DHAGEYSO:- Sababta Al-Shabaab loogu saari la’ yahay deegaanada Maamulka K/Galbeed oo la shaaciyay

0

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya Xasan Cabdi Axmed oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay caqabadaha maamulkooda ka heysta iney Al-Shabaab ka saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin.

Waxa uu sidoo kale sheegay in hada Al-Shabaab ku sii baahayaan deegaano hor leh oo ka tirsan Gobolada Baay, Bakool iyo Sh/Hoose.

Waxa uu tilmaamay in ay jirto dhaqaalo daro heysata Maamulkooda iyo Ciidamada oo aan toos u heleyn Mushaar joogto ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in balan qaadyo ay horay ugu heleen Beesha Caalamka iyo Dowlada Dhexe uusan weli soo gaarin Maamulkooda isla markaana ay ilaa hada heysato dhaqaalo daro.

Deegaano ka tirsan Gobolada uu Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ka taliyo ayaa ku sugan Al-Shabaab oo qaarkood awood ku leh, waxaana sidoo kale Al-Shabaab ay Weeraro joogto ah ka geystaan deegaanadaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-