Afar muwaadin Soomaaliyeed oo lagu xiray garoonka diyaaradaha ee degmada Mandheera gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa lagu ganaaxay Sh5.5 million midkiiba ama 10-sano oo xabsi ah.
Sakariye Abdullah Axmed,Abdikadir Shariif Abdi-nur,Ubax C/raxmaan Hassan iyo Faadumo Anshur Mahamed ayaa lagu xiray Kenya axadii la soo dhaafay.
Booliska ayaa la siiyay awood xabsiga ugu sii heyn karaan inta ay ka dhameystirayaan baaritaanka ku socda.
Afartaan Qof ayaa lagu eedeeyay in lagu helay iyaga oo haysta fiisooyinka safarka Kenya, oo iyagu u diiwaan gashneyn.
Sidoo kale, muwaadiniintaan Soomaaliyeed ayaa lagu helay Kiis labaad oo ku aadan in si sharcidaro ah ku joogeen dalkaasi Kenya,waxaana jira warar sheegaya iney socdaan baaritaano dheeraad ah intey xiran yihiin.
Ugu danbeyntii, Afarta ruux ee la eedeeyay oo labo ka mid ah ay yihiin Haween ayaa la sheegay ineysan sharaxi karin qaabka ay ku heleen Numbarka Viisaha Paasaborka Kenya.
Halkaan ka dhageyso Codka