DHAGEYSO:- Faah-faahin ka soo baxaysa qarax qasaara geestay oo ciidamada dowlada lagula eegtay duleedka jowhar

0

Wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/dhexe ayaa waxay sheegayaan in Qarax miino ah uu la kacay gaadiid ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya oo marayay inta u dhaxeysa deegaanka Buurane iyo Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

Qaraxa ayaa la soo sheegayaa in dhulka lagu aasay,isamarkaana gaadiid dagaal oo nuuca cabdi-bilaha ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya uu ku haleelay deegaanka Buqda Shoodeey oo ku yaala inta u dhaxeysa deegaanka Buurane iyo Garoonka diyaaradaha oo ku dhawaad 18-km dhanka waqooyi ka xiga magaalada Jowhar.

Inta la ogtahay waxaa qaraxa ku dhintay sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo magaciisa lagu sheegay Col.Cali Xasan iyo askari socdaalka ku wehlinayay,waxaana sidoo kale dhaawac uu soo gaaray lix askari oo kale kuwaasi oo loo soo qaaday magaalada Muqdisho si loo daweeyo.

Kolonyada Qaraxa lala beegsaday oo ay la socdeen askar ka tirsan Dowladda ayaa ku sii jeeday degmada Mahadaay oo ay ka damacsanaayeen howlgal ka dhan ah Al-shabaab.

Ilaa iyo hada ma jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka Dowladda ee gobolka Shabeelaha dhexe,waxaana sidoo kale wararka ay sheegayaan in safarka ciidanka Dowladda ku sii jeeday degmada Mahadaay ku wehlinayay tiro wariyaal oo ka raacay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/dhexe,inkastoo wararka ay sheegayaan in wax dhibaato qaraxaasi uusan ka soo gaarin.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegtay mas’uuliyada Qaraxa,waxaana inta badan weerarada nuucaani oo kale ee lala beegsado mas’uuliyiinta iyo ciidanka Dowladda sheegta ururka Al-shabaab.

Halkaan ka dhageyso