Dagaal xoogan xoogan ayaa kasocda caasimada wadanka Yemen ee sanca waxaana lagu soo waramayaa in dagaalyahano ka tirsan xuutiyiinta lagu dilay.
Ilaa 40 katirsan maleeshiyaadka kooxda Xuutiga ayaa lagu soo waramayaa in dagaalkaasi lagu dilay iyadoo wali duqeymaha xaga circa ah ay caasimada kasocdaan.
Maalmo caasimadu ay kasoconayeen dagaalo kharaar ayaa dagaalka badankii waxa uu saameeyay Gobolka Fardhat Nehim oo ay mucaaradku isku dayayaan inay ka difaacaan xoogaga dowlada Taabcsan.
Dhanka kale 6 katirsan ciidamada dowlada Yemen ayaa iyana lagu dilay dagaalka sanca kadhacay sida ay sheegeen ilo muhiim ah oo dowlada katirsan.