Taliyaha ciidamada Booliska Somaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa kormeer shaqo wuxuu ku tagay Saldhiga Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo Booliska shaqooyinka maalinlaha ah ay ka qabtaan.
Xaamud, ayaa waxaa socdaalkiisa u kuurgalida xaalada Shaqada Saldhiga sida ay u socoto, waxaa ku wehliyay Taliyaha ciidamada Booliska qaybta Gobolka Banaadir Cali Xersi Barre (Cali Gaab) iyo Taliyaha qaybta Booliska Waliyoow Cadde Col. Maxamed Daahir.
Taliyaha waxaa Saldhiga Degmada Howlwadaag ku soo dhaweeyay oo Warbixin ku siiyay Taliyaha ciidamada Booliska Saldhigaasi oo si faah-faahsan warbixinta xaalada Saldhiga iyo sida ay u shaqeeyaan u sharaxay Taliyaha.
Intaasi kadib ayaa Maxamed Shekh Xasan Xaamud Taliyaha ciidamada Booliska Somaliya wuxuu Saraakiisha Saldhiga iyo ciidamada Booliska kula dar daarmay inay shaqada Qaranka u hayaan u gutaan si masuuliyad ay ku dheehan tahay.
Taliyaha wuxuu kormeeray qaybaha uu ka kooban Saldhiga isaga oo soo eegay Buuga OOBIGA oo lagu qoro dhacdooyinka maalinlaha ah ee Saldhiga ay diiwaangeliyaan.
Kormeerkaan uu taliyaha ku tagay Saldhiga Degmada Howlwadaag ayaa wuxuu qayb ka yahay kormeero kala duwan oo Taliyaha uu ku tagi doono Saldhigyada Degmooyinka Muqdisho.