Dowladda Kenya ayaa ka digtay wareega waraaqo iyo fariimo ku aadan in Al-shabaab damacsan yihiin weerar ay ku qaadaan gobolka waqooyi bari Kenya gaar ahaan magaalada Mandera oo marar badan ay ka dhaceen weerar Shabaabku mas’uuliyadooda ay sheegteen.
Guddoomiyaha Gobolka Mandheera Frederick Shisi, ayaa ayaa sheegay in qaar ka mid ah Hay’adaha aan Dowliga ahayn ay ee (NGOs) ay bilaabeeen in shaqaalahooda qaar ay kala baxaan deegaanada,iyagoo ka baqay iney weerar kala kulmaan Kooxaha islaamiyiinta,waxayna cabsida sii korortay markii farriimo nacayb lagu baahiyay baraha Bulshada ay ku xiriirto.
Wuxuu sheegay in Hay’adaha NGOs shaqaalahooda kala baxeen deegaanada Banisa, Takaba iyo magaalada Mandera,oo dhamaantood ku yaala gobolka Waqooyi bari Kenya.
Gudoomiyaha Mandera Mr Shisia ayaa sheegay in dagaalyahanada Al-shabaab,oo bishii la soo dhaafay daraasiin Ciidanka Kenya ku dilay Koonfurta Soomaaliya ayaa hada wada qorshe ay ku badalayaan istaraatijiyadooda dagaal,wuxuuna hahadlkiisa intaasi ki daray in Al-shabaab xilligan ay doonayaan in cabsi geliyaan shaqaalaha Hya’adaha aan Dowliga ahayn ee ka howlgala deegaanada gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Ciidamada Kenya ayaa feejignaan dheeri ah kaga jira weeraro kaga yimaada Al-shabaab,Booliskana waxay heleen gaaadiid dagaal oo casri ah kuwaasi oo loogu talagalay iney ka qeyb qaataan howlgalada ka dhan ah Al-shabaab.