Wararkii ugu dambeeyay ee Xaalada Magaalada Boosaaso iyo Gudoomiye Xabsiga la dhigay

0

Waxaa dagan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari halkaasi oo shalay ay ka dhaceen banaanbaxyo rabshado watay, kaasi oo sababay dhimashada qaar kamid ah dadka bananbaxa dhigayay.

Xaalada degenaanka ayaa ka dambeysay markii shalay ciidamada booliska magaalada Boosaaso ay dileen ugu yaraan 2 ruux oo kamid ahaa dad banaanbaxyo ka sameynayay xaafadaha magaalada boosaaso ee gobolka Bari.

Maamulka gobolka Bari ayaa sheegay in saaka jawiga magaalada Boosaaso saaka uu yahay mid wanaagsan gacanta lagu soo celiyay xaalada amaan ee magaalada Boosaaso, kadib banaanbaxyadii shalay dhacay.

Dhinaca kale maamulka degmada ayaa sheegay iney gacanta ku dhigay masuuliyiin horey xilal kaga soo qabatay gobolka Bari, kuwaasi oo lagu tuhmayo iney wax ka wadeen abaabulka banaanbaxyada ka dhacay magaalada Boosaaso.

Ciidamada amaanka gobolka Bari ayaa shalay weeraray guriga gudoomiyihii gobolka Bari Mr Galan kaasi oo lagu tuhmayo inuu ku lug leeyahay banaanbaxyada magaalada ka dhacay.