Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukumadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa ka hadlay Diyaarad ay leedahay Shirkadda Duulimaadka Daallo Arline oo maanta uu dab ka kacay Xilli ay ka duushay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho Ee Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde.
Wasiir Jangali ayaa sheegay in Diyaaradda ay Daqiiqado ka hor inta uusan dabku ka kacin ay ka duushay Garoonka Aadan Cadde islamarkaana waxyar kadib uu baku ka kacay si nabad galyo ahna ay Garoonka ugu soo tagatay.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in la wado Baaritaan ku aadan waxa Sababay Dabka ka kacay Diyaarada oo la shaacin doono Waxii soo baxa hadii ay Cilad tahay iyo hadii Arrin kale tahay intaba.
Diyaaradda ayaa Dabka ka kacay waxaa ku dhaawacantay ilaa Saddex Ruux oo ka mid ahaa Rakaabkii Saarnaa Diyaaradda.
Halkaan ka dhageyso