Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng. Cabdixaiin Cabdilaahi Cumar Camey ayaa xafiiskiisa ku qaabilay la taliyaha arrimaha barakacayaasha ee wakiilka QM ee Soomaaliya Walter Kälin, oo ay wehliyaan wafdi katirsan UN-KA.
Kulankaan oo ka dhacay aqalka madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa labada dhinac waxay ka wada hadleen xaaladda barakacayaasha ee hadda ka jirta gobolka gaar ahaan Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa u sheegay Walter Kälin inay Puntland soo dhoweysay barakacayaasha iyo qaxootiga ayna siisay taageerada lagama maarmaanka u ah nolashooda.
Mr. Kalin ayaa sidoo kale la kulmay horjoogayaasha Baracakayaasha xerada Jowle, halkaasi oo uu u tagay inuu ogaado wax badan oo ku saabsan xaaladahooda islamarkaana uu ka dhageysto waxyaabaha mudnaantooda ah.
Wakiilka gaarka ah ayaa sidoo kale la kulmay, wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntlnd Axmed Karaash iyo howlwadeenadiisa, si uu wax uga barto howlaha wasaaradda fulisay ee lagula dagaalamayo baahida baracakayaasha iyo caqabadaha shaqaalaha dowladda ka haysta inay shaqadooda gutaan.
Sidoo kale, Mr. Kalin ayaa la kulmay wasiir ku xigeenka qorshaynta Puntland Saciid Faarax Maxamuud, iyagoo ka wada hadlay qorshayaasha la filiyo iyo barnaamijyada horumarinta dadka barakacayaasha ah.
Halkaan ka dhageyso