Iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si KMG ah u joojisay Duulimaadyadii Diyaaradaha tagi jiray Magaalooyinka Soomaaliland ayaa waxaa Arrintaasi wax laga Xumaado ku tilmaamay qaar ka mid ah Siyaasiinta ka soo jeeda Soomaaliland.
Siyaasi Maxamed Cali Xaamud oo Warbaahnta la hadlay ayaa sheegay in ay wax laga Xumaado ay tahay in Go’aan aan ka soo bixin Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu hakiyo Adeegyadii Duulimaad ee Soomaaliland aadi jiray kana bixi jiray Magaalada Muqdisho.
Siyaasi Maxamed Cali Xaamud ayaa Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyo Xildhibaanada Baarlamaanka ku jira ee ka soo jeeda Soomaalinad ugu baaqay in ay Iska Casilaan Maadaama Shacabka ka soo jeeda Soomaaliland aysan waxba u qaban karin.
Halkaan ka dhageyso Codka