DHAGEYSO FAAHFAAHIN:- Dhaawacyo ka dhashay dab la sheegay inuu ka kacay Diyaarada Daallo Airline oo dib u soo caga dhigatay garoonka Aadan Cadde.

0

Wararka laga helaayo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in dab uu ka kacay Diyaarad ka duushay Garoonka.

Diyaaraddan ayaa la sheegayaa inay leedahay mid ka mid ah Shirkada Duulimaadka ee dalka ka howlgala, waxaana ay ku sii jeeday dalka Jabuuti.

Ruux ka shaqeeya Garoonka Muqdisho, ayaa sheegay Diyaarada markii ay hawada ku jirtay 20 daqiiqo Qiyaastii kadib ay dib ugu soo laabatay Garoonka, iyadoo qiiq uu ka baxaayo mid ka mid ah Garabyada Diyaarada Daaqad u dhaw.

Dabka la sheegay inuu ka kacay Diyaarada ayaanan la ogeyn waxa sababay, hayeeshe dadka waxa ay inoo xaqiijiyeen in hal ruux uu ku dhaawacmay Dabkaasi.

Rakaabkii saarnaa Diyaarada ayaa laga soo dejiyay iyaga oo badqaba, waxaana Diyaarada u gurmaday gaadiidka Dam damiska ee Garoonka Aadan Cadde ku diyaarsan.

Diyaarada Amuurtaan ay qabsatay ayaa la sheegayaa inay leedahay Shirkadda Daallo.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka