DHAGEYSO:- Dhalinyarada Dalka Rwanda oo loogu digay ineysan ku biirin Kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab

0

Wadaadka caanka ah ee dalka Rwanka Ibraahim Kayitare ayaa si xoogan ula hadlay dhalinyarada iyo bulshada muslimiinta dalkaasi iney ka fogaadaan ficilada ay geysteen kooxaha ay ugu yeereen Argagixisada.

Wadaadka ayaa sidoo kale kaga digay dhalinyarada dalkaasi iney xiriir la sameeyaan kooxaha Al-shabaab iyo ISIS oo ka kala dagaalama Dalalka Soomaaliya iyo Syria.

Isaga oo ka hadlayay dhaawac loo geystay wadaad lagu magacaabo Maxamed Mugemangango oo lagu eedeeyay inuu dhalinyarada dalka Rwanda u qoro kooxaha Daacish iyo Alshabaab ayuu Muftiga sheegay in shacabka laga doonayo ineysan xiriir la sameyn kooxahaasi.

“Waxaan bulshada Muslimiinta Rwanda ka dalbanayaa iney ka fogaadaan fiicilada ka dhan ah Islaamka oo kooxahaasi ay geysanayaan, ayna dhalinyarada ka fogaadaa ku biiritaanka kooxaha amnigeena wax u dhimaya”ayuu yiri wadaadka.

Wuxuu ka dalbaday Shacabka Muslimiinta ee ku badan dalka Rwanda iney si walaaltinimo ah, isjacel iyo nabad ugu noolaadaan diinta Islaamka iyo dalkooda, ayna ka fogaadaan wax walbaa oo amniga dalkaasi wax u dhimaya.

Sidoo kale Ibraahim Kayitare, ayaa ugu baaqay shacabka magaalooyinka dalkaasi iney la shaqeeyaan ciidamada booliska iyo laamaha amaanka si looga hortago weerarada kooxaha Daacish iyo Alshabaab ka geysan karaan dalkaasi.

Maalintii Sabtida ciidamada booliska dalka Rwanda ayaa dhaawacay Maxamed Mugemangango oo imaam ku xigeen ka ah masjid ku yaala magaalada Kigali kadib markii lagu eedeeyay inuu Dhalinyarada Masjidka ku dhiiri geliyo iney Daacish ama Alshabaab ku biiraan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-