Dowladda Masar ayaa waxaa laga dalbaday inay Xabsiga ka sii deyso Muwaadin Somaliyed oo gacanta ay ku dhigeen ciidamada ammaanka dalka Masar.
Muwaadinkaan Somaliyed oo la xiray horaantii Bishii June ee sanadkii dhamaaday, ayaa ku xiran dalkaasi muddo dhan Lix bilood, waxaana Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ay dalbatay in la sii daayo wiilkaas.
Wiilka oo lagu magacaabo Yuusuf Maxamed Aadan, da’diisuna ay tahay 17 jir ayaa Masar lagu xiray, horraantii bishii Juun ee sannadki hore.
Warbixin ay soo saaratay hay’adda Qarammada midoobay u qaabbilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa lagu sheegay in wiilka yari dalkiisa uga soo qaxay amni darro.
Waxaa la xaqiijiyay in Yaasiin uu dalkiisa hooyo ka qaxay markii Al-Shabaab ay dishay walaalkiis.
Warbixinta ayaa waxaa kaloo lagu xusay in Masar ay ku xiran yihiin carruur qaxooti ah oo ay tiradoodu gaarayso 50 qof.
Hoos ka Dhageyso Codka:-