Ugu yaraan 86 ruux, oo ay ku jiraan caruur ayaa nafsadooda ku waayay weeraro mowjado ah oo lagu qaaday xaafado ku yaala waqooyi-bari wadanka Nigeria.
Saraakiisha amaanka iyo dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in koox la tuhunsanyahay inay ka tirsanyihiin Boko Haram ay rasaas iyo bambaanooyin la dhaceen xaafada Dalori , iyadoo la arkaye dhiig xaafada oo dhan is qabsaday weerarka kadib.
Dadka Goobjoogayaasha waxa ay sheegeen inay maqleen dhawaqa caruur Nolosha ku gubanaysa iyagoo sidoo kale arkay guryo dhulka lala simay oo ay kooxdu Gubtay.
Maxamad Kanar oo ah isku xiraha hay’adaha musiibooyinka deg-dega ah ee wadanka Nigera ayaa AP usheegay inay soo aruuriyeen meydadka 86 ruux oo weerarka lagu dilay.