Madaxweynaha Somaliland, Axmed Max’ed Siilaanyo ayaa maanta kulan la yeeshay xulimada Somaliland, isgaoo culimadda ugu baaqay inay hor kacaan maalinta loo asteeyey maalinta roob doonta oo dhammaan goboladda looga dareeri doono si ilaahay looga beryo inuuu roob u keeno.
Sidoo kale, ujeedadda kulankan waxa lagu sheegay inuu ahaa mid lagu adkeynayo Nabad-galyadda iyo sidii culimaddu uga qaybqaadan lahaayeen horumarka wadanka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in 01-da bisha Feberaayo oo maanta ah ku beegan loo dareero Roob doon, waxaanu cuilmadda ugu baaqay inay dadweynaha hor kacaan, isla markaana ilaahay la baryo si uu abuurta jira inoogu soo gurmaddo.
“Maadama aynu nahay ummad Muslim ah marka uu sidaan oo kale Roobku dib ugu dhaco, abaartuna adkaato Raxmadduna raagto – Waxaa Rasuulkeennii Suubanaa [CSW] uu Tukan jiray Salaadda Roob-doonta, sida awgeed inagoo Raacayna Sunnada Rasuulkeenna [CSW], waxaan farayaa dhammaan ummadda Somaliland inay ALLE ka cabsadaan oo ay u toobad keenaan isna saamaxaan kana qayb-galaan Salaadda Roob-doonka oo ka dhici doonta gabi ahaan Gobollada iyo Degmooyinka Dalka oo ay Tukadaan Salaadda Roobdoonta maanta oo Isniin ah ee 01-da February 2016-ka; kuna beegan 22-ka Rabiical-tani ee 1437-ka Hijriyada. Saacaddu markay tahay 8:30 Sideedda Subaxnimo, Taasoo ka dhicaysa goobihii lagu tukan jiray Saaladda Ciidda haddii ay tahay garoomo ama masaajiddo, salaada roob-doonku waa Sunnihii Nabigeenna Suuban SCW marka sidan oo kale uu Roobku inagu yaraado ama ay Abaartu adkaato”ayaa lagu yidhi madaxweynuhu.
Waxaanu intaas ku daray. “Walaalayaal Waxaa loo baahan yahay in lagu Dadaallo Soonka iyo Alla ka cabsiga iyo toobad keen Alle loogu noqonayo oo dunuubta laga soo noqonayo Maalmahan ka horreysa tukashada Salaadda Roob-doonka, isla markaana Ciddii Dulmi cid kale ka gashayna looga baahan yahay inay Cafis dalbaan, iskana celiyaan Dulmiga; isla markaana wanaagga la is faro Xumahana la iska reebo waxaana habboon in gacmaha la is qabsado oo la is taakuleeyo oo qof waliba qofka kale uu caawiyo laguna sadaqaysto dadka tabaalaysan ee miyi iyo magaalaba jooga maanta waa maalintii loo baahnaa iskaalmaynta iyo iska Warqabka ee jaarka haddii ay tahay Qoyskaaga ama Qaraabadaada Wixii aad ku dhaanto aad ku caawin lahayd sadaqaduna waa ta aynu Naxriista Alle ku helayno. ALLE waxa uu yidhi marka aad isu naxriisataan ayaan aniguna idiin Naxariisanayaa”.