Hoggaamiyayaasha Midowga Afrika oo labadii Maalin ee la soo dhaafay ku shirsanaa Magaalada Adis Ababa ayaanan weli isku raacin in Ciidamo nabad ilaalin ah loo diro Dalka Burundi.
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxammud ayaa shirgudoomiyay shir gaar ah oo looga hadlayay arrimaha Burundi iyo sidii Ciidamo loogu diri lahaa Dalkaasi.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay diyaar yihiin Ciidamada loo diri lahaa Dalka Burundi balse ay socdaan qorshe Madaxweynaha Dalka Burundi loogu dhaadhicin lahaa in Ciidamo la geeyo dalkiisa.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Hoggaamiyayaasha Midowga Afrika ay aad ugu walaacsan yihiin xaalada Dalka Burundi.
Shir Madaxeedkii Midowga Afrika ee lagu qabtay Magaalada Adis Ababa ayaa inta badan loogu hadlay Xaalada Dalka Burundi iyo sidii Ciidamo nabad ilaalin ah loogu diri lahaa.
Hoos ka Dhageyso Codka:-