DHAGEYSO:- Cali Khaliif Galeyr oo si cad u sheegay inuusan wada hadal la galeyn Maamulka Somaliland

0

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali khaliif Galeyr oo Warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay wararka sheegayo in Maamulkiisa uu wada hadal la galayo Maamulka Somaliland.

Waxa uu sidoo kale sheegay in aysan marnaba wada hadal la galeyn Maamulka Somaliland isla markaana ay ka saarayaan deegaanada ay iminka kaga sugan yihiin Gobolada Sool iyo Sanaag.

Waxa uu tilmaamay in maamulka Khaatumo ay ka go’an tahay hormarinta deegaanda Sool iyo Sanaag iyo deegaanada kale.

dhawaan ayay ahayd Markii Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Somaliland iyo Khaatumo ku wada dagaalameen deegaano ka tirsan Gobolada Sool iyo Sanaag.

Hoos ka Dhageyso Codka:-