Ciidamada Ammaanka Maamulka Puntland ayaa maanta galinkii dambe howlgal ka sameeyay xaafadaha magaalada Boosaaso, ka dib marki ay Maanta Banaanbaxyo rabshado wato ka dhaceen Qeybo ka mid ah Magalada Boosaaso.
Ujeedka Howlgalkan ayaa ahaa mid lagu badi goobaayay shaqsiyaad fowdo ka wada magaalada sida la sheegay oo uu ka mid yahay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari C/samad Maxamed Gallan.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Banaanbaxyo rabshado watay oo Maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Saraakiisha Ciidamada amaanka Maamulka Puntland ayaa lagu wadaa iney faah faahino ka bixiyaan rabshadihii Maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso iyo howlgaladii ay gelinki dambe Maanta ka sameeyeen Xaafado ka mid ah Magaalada.