DHAGEYSO:- Rasil wasaare Cumar Cabdi Rashiid oo Puntland kaga digay inay abuuraan dagaalo sokeeya oo dhiig badan ku daato

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo ka hadlay kala aragti duwanaanta go’aankii Muqdisho lagu gaaray iyo qaadacaddii Puntland, ayaa rabitaanka dowladda Puntland ah ee ah in aqalada baarlamaanka lagu soo xulo habka wax ku qaybsiga degmooyinku uu yahay mid khatar hor leh iyo dagaallo sokeeye dalka Soomaaliya galin kara, sidoo kalena caawin kara Ururada Argagixisada ah ee dalka ku sugan.

Ra’iisul wasaaruhu dhinaca kale dowlada Puntland waxaa uu uga digay in dalka la galiyo khal khal siyaasadeed, isagoo sheegay in markii ay dhinac walba fiiriyeen ay go’aan sadeen in aqalka hoose ee baarlamaanka lagu soo dhiso 4.5 halka aqalka sarena lagu qaybsanayo hab Maamaul goboleedyo ah, islamarkaasina Puntland iyo Somaliland ay heli doonaan 11 xubnoo doonaan dheeraad ah.

Halkaan ka dhageyso