Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kormeer ku tagay xarumo dhawr ah kuwaas oo isug jiray goobo ay ku shaqeeyaan hay’adaha maamulka qaybtood iyo dekeda magalada Bosaso oo dhawaan la ballaarin doono.
Xarumaha madaxweyne Gaas tagay, waxaa kamid ahaa xafiiyada ku shaqeeyaan, wasaaradaha, Maaliyadda, Kalluumaysiga, Dekedaha, Ganacsiga, waxaana goobaha uu tagay warbixino kaga dhagaystay qaar kamid ah mas’uuliyiintii kusugnaa.
Gaas ayaa kormeer ka sokow, xubnaha uu lakulmay kula dardaarmayay inay kor u qaadaan shaqada ay u hayaan shacabka reer Puntland, halka kuwa uu kadareemay shaqo wanaag ku dhiiriyay inay sii xoojiyaan.
Halkaan ka dhageyso