Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Maxamed Aaden Axmed ayaa la dar-daarmay saraakiil iyo saraakiil xigeen ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo dalka dib ugu soo laabtay, ka dib, tababar ay ku soo qaateen dalka Turkiga.
Taliyaha ayaa kula dar-daarmay saraakiisha tababarka dhamaysatay aqoontii la soo barey in ay uga faa’iideeyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Wuxuna tilmaamay muhiimada ay qaranka u leedahay tababarkooda iyo ku soo biirista Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyed.
“Maanta laga bilaabo hal qabiil ayaad tihiin kaas oo ah Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaa la idin soo barey tababar heerkiisu sareeyo, ujeedkuna waa in aad dalkiina anfacdaan kuwa aan tababarkaas fursad u helina bartaan wixii la idin soo barey” .