Kulankaan loogu hadlaayay dardar gelinta Amniga Caasimada Muqdisho ayaa Maanta lagu qabtay Taliska nabad sugida Gobolka, waxaana kulanka ka qeyb galay Taliyaha Hay’ada nabad sugida iyo Qaranka, aWasiir ku xigeenka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Saraakiisha amniga ee Gobolka, iyo dhamaan Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Kulanka oo uu furay guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa waxaa uu ka hadlay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin xaalada amni ee caasimadda iyo kaalinta ay shacabka ka qaadan karaan la shaqeynta hay’adaha amniga.
Hoos ka Daawo Muuqaalka:-
https://www.youtube.com/watch?v=-y46Ro-ZlkY