XOG:- Weerarkii Ceel-cadde oo la ogaaday in Kaliya Askar Kenyaati aan lagu dilin Hadaba Ogow yaa kale oo ku jira ?

0

Mudanaha laga soo doorto Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya Xildhibaan Aadan Barre Ducaale, ayaa sheegay Askartii lagu dilay weerarkii ka dhacay Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo inay ku jireen 7 ruux oo Somali ah, kana tirsanaa Askarta KDF ee dalka Kenya.

Askartaasi ayaa wuxuu sheegay inay yihiin Somalida degta Magaalada Gaarisa, wuxuuna tiradooda ku sheegay 7 Askari oo dhamaantood reer Gaarisa.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo la hadlay Wargeyska The Star ee dalka Kenya ka soo baxa, ayaa wuxuu sheegay Shabaab inaysan kala aqoon Somali iyo Ajaanib intaba oo ay laynayaan dadka oo dhan.

Wuxuu ku baaqay masuuliyiinta Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya inay u midoobaan Dhibaatada Shabaabka ay ku hayaan dadka ka soo jeeda Gobolkaasi.

Ka sokoow hadalka Xildhibaan Aadan Barre Ducaale, waxaa jira Askar ka tirsanaa ciidamada dalka Kenya oo ka soo jeeda Degmada Wajer oo ka mid ahaa ciidamadii lagu dilay weerarkii Ceelcadde.

Xukuumadda Kenya ilaa hada waa ay ka war wareegaysaa inay shaaciso tirada Askartii lagu laayay weerarkii Ceelcadde, inkastoo qaar ka mid ah askartaasi lagu aasay Magaalada Eldoret ee dalka Kenya.

Al Shabaab ayaa sheegtay weerarkii Ceelcadde inay ku dileen 100 Askari, waxaana ay soo bandhigeen Sawiro muujinaya Askarta lagu laayay weerarkii Ceelcadde.