Waxaa Maanta Magaalada Addis ababa ee Wadanka Ethiopia ka Furmay Shirka Madaxweyneyaasha Ururka Midawga Afrika,kaas oo looga hadli doono Arrimo fara badan sida uu Qorshahu yahay.
Shirka ayaa waxaa lagu soo qaadi doonaa Arrimo ay ka mid yihiin la Dagaalanka Al-shabaab iyo Taageerada Ciidamada AMISOM marka laga hadlayo Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kulamo Gaar gaar ah la yeelan doona Hogaamiyaasha Dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya si looga hadlo Arrimaha Ammaanka iyo Howlgalka AMISOM.